Animation

Xasaasi: Shariif Xasan oo Dhulka la Jaray Kursigii Aqalka Hoosana ka saaray Wasiirka Maaliyada M. Aadan Fargeeti oo Qarash Badan ay kaga Baxday Kamid Noqoshada Xildhibaanada Aqalka Hoose

no responses
Thursday November 10, 2016 - 11:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan fargeeti ayaa ku guuldareystay kursiga Xildhibaanimada Baarlamaanka cusub ee soo socda, kadib markii looga adkaaday Doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Doorasho adag oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose waxaa ku guuleystay Maxamuud Macalin Yaxye oo horay uga mid ahaa Xukuumadihii KMG.k24-sakiin-iyo-fargeeti

Loolanka Kursigan Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose Koofur Galbeed ayaa ahaa kii ugu adkaa, waxaana lagu bixinayay lacag aad u fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in halkii cod ee lagu iibsinayay cododka Ergooyinka ayaa gaarayay illaa 10-kun oo dollar-ka Mareykanka.

Maxamed Aadan fargeeti Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa helay codad gaaraya 25, halka Maxamuud Macalin Yaxye oo ah xildhibaanka ka guuleystay Wasiirka uu helay 26 cod.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa loolan adag kala kulmayay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo taageerayay Maxamuud Macalin Yaxye.