Animation

XASAASI: Shabaab oo hadal xasaasi kasoo saartay doorashada Soomaaliya iyo arin kale oo……………………………..

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 6:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Afhayeenka guud ee xarada shabaab ayaa hadal hanjabaad kasoo saaray doorashooyinka dadban oo dhawaan lafilaayo in oo kadhaco gudaha dalka soomaaliya laguna doonaayo in dowlad cusub lagu soo doorto.
Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka Dadban iyo go’aanka uga degsan Xarakada Al-Shabaab.

“Go’aanka Mujaahidiinta ay ka qaateen doorashadaas waa dagaal iyo dil” ayuu yiri Afhayeenka oo intaa ku daray in qaban qaabada doorashooyinkan ay yihiin ajendayaal gumeysi oo aysan aqbaleynin, kana hortagayaan.

Ugu Dambeyn Cali Dheere ayaa Faray Ciidanka Alshabaab in ay ka Hortagaan Qabsoomida Doorashada taasi oo la Macno ah in Alshabaab ay qatar ku tahay Ammaanka Goobaha la filaayo in Doorashada ay ka dhacaan