Animation

Xasaasi: Saraakiil Keenyaan ah oo Booqasho Qarsoodi ah ku tagay Deegaanka Kulbiyow oo dhawaan Askar looga laayay

no responses
Monday January 30, 2017 - 4:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Labo ka  mid ah Saraakiisha ugu sarreysa Milatariga Kenya iyo AMISOM ayaa booqday degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose,halkaas oo jimcihii ay weerareen Al-shabaab.

Saraakiisha booqatay Kulbiyow oo kala ah;Benjamin Biwott iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee qeybta 2aad  William Shume,ayaa waxaa ay la kulmeen Ciidanka ku jira Kulbiyo oo dib ugu laabtay halkaas sabtigii la soo dhaafay.

Saraakiishan ayaa niyad dhis u tagay xerada,waxaana ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan tirakoobka saanadda Ciidanka Kenya ee Kulbiyow.

Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna,ayaa sheegay in Saraakiishan ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan baaritaan lagu sameynayo agagaarka Xerada oo la rumeysan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa oo ay geliyeen Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in 9 ka mid ah Askarteeda ay ku dhinteen Kulbiyoow,15 kalena ku dhaawacmeen,halka sida ay sheegteenna ay Al-shabaab ka dileen 70 Askari.

Sabtigii Wasiiradda Difaaca Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya Samson Mwathethe ayaa booqday isbitaalka Dhimirka ee Nairobi,halkaas oo la dhigay dhaawacyada weerarkii Kulbiyow.