Animation

Xasaasi: Qaramada Midoobay oo Codsatay in Liiska Xubnaha Aqalka sare laga saaro Hogaamiye Kooxeedyada Cabdi qeybiid iyo General Morgan iyo Jubbaland oo Digniin loo diray

no responses
Sunday October 16, 2016 - 11:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War ka soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha soomaliya ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweyneyso Xubnaha Aqalka sare ee Maamul Goboleedyada ay soo gudbiyeen Balse Goluhu wuxuu ka digay in Xubnahaasi ay ka dhexmuuqdaan Hogoomiye kooxeedyadii hore ee Soomaliya.

Warqad ka soo baxday Danjire Keating ayaa lagu sheegay in heshiisyadii hore loo gaaray ay kamid ahayd in hogaamiye kooxeedyadii hore u soo maray dalka laga reebo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.

Danjire Keating warqada uusoo saaray waxa ay si toos ah ugu socotaa Maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland oo Xubnaha ay soo gudbiyeen ay ka dhexmuuqdaan Hogaamiye Kooxeedyadii hore .

Tusaale Galmudug waxaa ay soo gudbisay Liis uu ku Jiro Hogaamiye kooxeedkii Hore ee Cabdi qeybdiid Iyadoona Galmuudg ay aheyd Maamulkii ugu horeeyay ee Doorashada xubnaha Aqalka sare qabta waxaana doorashadaasi kusoo baxay Cabdi qeybdiid oo Horay Galmuudg looga digay in Xubnaha Aqalka sare ay kusoo darto.

Balse Galmudug ayaa dhagaha ka fureysatay In Xubnaha Aqalka sare ay ka sarao Hogaamiye kooxeedka Cabdi qeybdiid.

k24

Puntland sidoo kale waxaa looga digay in Xubnaha Aqalka Sare ay kusoo darto Dagaal Ooge Genaral Cabdi Saciid Xirsi Moorgan oo Hada ku jira Liiska Musharixiinta Xubnaha Aqalka sare ee Puntland Inkastoo Puntland aysan weli qaban doorashada Xubnaha Aqalka sare.

Maamulka Jubbaland ayaa asna waxa uu ka mid yahay Maamulada loo diray Codsigaan ku aadan in Xubnaha Aqalka sare aysan kusoo darin Hogaamiye Kooxeedyadii Hore Jubbaland waxaa Liiskaan uga jira C/fataax Maxamed Cali kaasoo hore ula soo shaqeeyay Xisbul Islaam waxaana Danjire keating uu codsaday in Jubbaland ay liiska ka saarto Shaqsigaas Horay uga Mid ahaa Kooxdii Islaamiga aheyd ee Xisbul Islaami.

Jubbaland weli ma aysan qaban doorashada Xubnaha Aqalka sare Lamana oga waxa ay ka yeeli doonto Codsigaan uga yimi Qaramada Midoobay.

Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaliyeed ayaa Inbadan waxa ay ka walaacsanyihiin Sida ay nooqn doonto siyaasada Soomaliya Mar hadii Xubnaha Aqalka Sare ay Isugu tagaan Dagaal Oogayaal iyo Hogaamiye Kooxedyadii Dalka soomaliya Nabada u diidana Mudo 25 Sano ah.

Halkaan Hoose ka Aqriso Warqada uusoo saaray Danjire Keating

dukum