Animation

XASAASI: Musharax Culeys Badan Saari Doona Xassan Sheekh Oo Isniinta Ku DHawaaqi Doona Musharaxnimadiisa (Tolow Waa Kee???)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 11:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mudane Jibriil Ibraahim cabdulle oo waayahaan la hadal hayay in uu yahay musharax madaxweyne sanadaan 2016-ka ayaa waxaa la xaqiijiyay in maalinta Isniinta ah ee taariikhdu tahay 19/09/2016 uu la hadlayo umadda Soomaaliyeed uuna si rasmi ah u shaacin doono in uu yahay Musharax Madaxweyne.

Sida aan Wararka ku heleyno Jibriil Ibraahim cabdulle ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadi doono in uu yahay Musharax u taagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna ka hadli doonaa waxa ku dhaliyay in uu xilkaasi isku soo sharaxo.

Waxaa jiray baaqyo ka imaanaya bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu dalbanayo in Jibriil isu sharaxo madaxweyne maadaama uu yahay ruux arimaha nabadeynta kasoo shaqeeyay in badan dalkuna uu u baahanyahay shaqsi daacad ah oo samata bixin kara.

Jibriil wali wax fal celin ah kama sameyn baaqyada ay usoo dirayaan Bulshada Soomaaliyeed, hasa yeeshee Isniinta ayaa la filayaa in uu cadeeyo in uu qaatay baaqyadii loo soo jeediyay ee aha ain uu isku soo sharaxo Madaxweynaha Soomaaliya.

Soomali badan oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu kalsoonyihiin in hadii Jibriil uu isu soo sharaxo madaxweye uu si fudud uga guuleysan karo musharixiinta kale arintaasna ay hormuud u noqon doonto in dalku uu cagta saaro wadamada horumarka.

Jibriil oo ah nin ay Bulshada Soomaaliyeed si weyn u taqaan ayaa kamid ah raga loo saadaalinayo in ay ku guuleesan karaan Doorashada Soomaaliya, waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in Jabriil uu yahay shaqsiga xiligan samatabixin kara umada Soomaaliyeed.