Animation

Xasaasi: Meydad Aan la Aqoonsan oo Maanta lagu Arkay Galbeedka Magaalada Galkacyo Gaar ahaan meel u dhaxeysa Labada Ciidan

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 2:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Galbeedka Magaalada Galkacyo Wararka Ka imaanaya waxa ay shegayan in maanta Halkaasi lagu Arkay Meydadka Afar Ruux oo aan la Aqoonsan.

Meydadka waxaa lagu Arkay Galbeedka Magaalada Galkacyo oo ay ku Dagaalameen Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland.

Dad goob joogayaal ah oo Meydadka soo arkay ayaa Warbaahinta Kismaayo24 u sheegay in ilaa Afar Askari oo Xiran Dharka Tuutaha ay ku arkeen Meel u dhaxeysa Goobta labada Ciidan ay isku Horfadhiyaan.

Lama Xaqiijin Ciidamadaasi Dhinaca ay ka tirsanayaan Balse meydadkooda waxaa ka muuqday Dareeska Milatariga iyo Rasaas Oogada Jirka kaga tiilay.

Galbeedka Galkacyo waxaa weli Isku Horfadhiya Ciidamo ka kala tirsan maamulada Colaada Ragaadisay ee Puntland iyo Galmudug waxaana jirtay in Dhowr mar ay Fashil kusoo Dhamaadeen Dadaalo lagu doonayay in Labada Ciidan lagu kala qaado.