Animation

Xasaasi: Maxaadan Ogeyn oo ka soo baxay Kulan Albaabada u xiranyihiin oo Raisul wasaare sharmaarke iyo Axmad Madoobe ku dhexmaray Madaxtooyada Kismaayo????

no responses
Thursday December 1, 2016 - 6:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raisul wasaaraha Xukuumada Soomaliya ahna Musharax u tagaan Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Raiul wasaare Cumar C/Rashiid ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaana loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Raisul wasaare sharmaarke ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubno kale oo Maamulkaasi ka tirsan waxaana la sheegay in Madaxtooyada ay Kulamo xasaasi ah ay ka dhaceen Saacadihii lasoo dhaafay.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayan in Raisul wasaaraha uu kulamo la qaadan doono Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland lagu soo doortay lamana oga kulamadaasi waxyaabaha looga hadli doono.

Raisul wasaare socdaalkiisa Mudada ay qaadan doonto weli lama ogaan waxaana la fahansanyahay in Sharmaarke uu kismaayo u tagay qeyb kamid ah Ol’olahiisa Doorashada.