Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Ka Cusub Wadahadaladii Turkey-ga Ee SOmalia Iyo Somaliland???

Dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay inay Dhexdhexaad ka tahay Wada-hadalada u dhaxeeya Maamulka  Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kaas oo dhowr jeer oo horre Dowladda Turkiga marti galisay.

Waxaa ay sheegtay Dowladda Turkiga in Markasta Diyaar u tahay sidii wada-hadaladaas ku qabsoomi lahaayeen haddana Soomaaliya iyagu ula dhaqmaan si-isku mid ah oo aan kala laheyn Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Olen Ebekar ayaa sheegay inay Soomaaliya Hormar ku gaari karto iyada oo Noqota mid mideysan taasna sidii lagu gaari lahaa markasta ka shaqeynayaan.

Waxaa uu Safiirku sheegay in Muhiimada lasaarayo sidii waxkasta si-wanaagsan ugu dhamaan lahaayeen markasta.

Sidoo kale Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olen Ebekar ayaa codsaday in aan marnaba la-carqaleyn wada-hadalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Dhowr Jeer hore ayaa waxaa dhacay kulamo u dhaxeeyey Dhinacyo kala matalayey Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kuwaas oo sheegay inay isaga go-een Soomaaliya inteeda kale, inkastoo aysan jirin wax Natiijo ah oo kulamadaas ka soo baxay.

Dadka Arrimaha Siyaasadda aadka uga hadla ayaana sheegay in aan marnaba leysku soo hadal qaadin Qodobadii aadka muhiimka u ahaa oo Dadku daneynayeen kuwaas oo ay kamid tahay arrinta gooni isku taaga Soomaaliland iyo sida laga yeelayo iyo arrimo kale oo muhiima.

Related posts

Wasaarada Amniga Galmudug oo beenisay…

admin

Agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da oo soo bandhigay sir uu kahayo Madaxweyne Trump

Ahmed sudani

Xasaasi: Qaramada Midoobay oo Si cad u sheegtay in Soomaliland iyo Puntland ay Caqabad ku yihiin Nabada iyo Cuna qabateynta Hubka Soomaliya saaran

Tifaftiraha K24