Animation

XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Caabudwaaq Maanta Ka Taagan???? (War Ayaan Idinkaga Wadaa)

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 6:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay nin xalay lagu dilay degmadaasi ay saaka ka taagan xaafado ka mid ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Nin hubeysan ayaa xalay degmada ku dilay ninkale , waxaana la sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo aanooyin qabiil sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka kunool degmada Caabduwaaq.

Galgaduud ayaa wada waan waan lagu doonaayo in xaalada lagu dajiyo , waxaana la sheegaya inta badan isku socodkii xaafadaha qaarkood ay yaraadeen.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa horay u sheegay in ay ka hortagi doonaan in degmada Caabudwaaq ay ka dhacaan dilal ku salaysan Aanooyin qabiil.

Dhawaan ayay aheyd markii lagu dilay degmada Caabudwaaq labo nabadoon ah caan ah midkalena lagu dhaawacay.