XASAASI: Maxaadan Ogeyn Oo Ay Ciidamadda Jubaalan Ka Sameeyeen Jubboyinka???

0

Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kulbiyoow, waxaa ku dagaallamay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Hoolaa Wajeer oo 30KM dhanka koonfurta uga beegan magaalada Kulbiyoow ee gobbolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland ee aagga xuduudda Muxumed Axmed Xirsi (Sheekeeye) ayaa VOA u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa seddax qof ay ku dhinteen dagaalkaas oo ah kooxda Al-Shabaab.

Walaal waxay meesha wax uga dhaceen kooxdii nabad-diidka ee la oran jiray UGUS ayaa meel ay isku uruursanayeen deeganka Hoolaa Wajeer oo ka tirsan Badhaadhe ayaa lagu weeraray seddax ayaa laga dilay sanaadiina waa laga soo aruusaday”ayuu yiri Muxumed Axmed Xirsi (Sheekeeye).

Wuxuu sheegay in weerarkaas kaddib ay kala carareen kooxda Al-Shabaab oo ay duurka galeen sidda uu hadalka u dhigay.

Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland ee aagga xuduudda Muxumed Axmed Xirsi (Sheekeeye) wuxuu sheegay in wax khasaaro ah uusan dhinacooda soo gaarin dagaalkaas.