Animation

XASAASI: Maxaa kala Heesta Musharax Tarsan iyo Ardayda Jaamacada Simad ?

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 11:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Baraha Bulshada kuwada xariirto ayaa si weyn looga dareemaya is heesadka Ardayda Jaamacada Simad wax ka dhigata iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir hadana ah Musharax Madaxweyne Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Muranka labada dhinac ayaa blowday kadib markii Tarsan Dhawaan Khudbad uu jeedinayay uu ku sheegay Ardayda wax ka dhigata Jaamacada Simad in ay yihiin kuwa aqoontooda ay liidato xitaa ay ku adag tahay in ay qoraan Af Soomaaliga.

Tarsan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in Ardadya dhigata Jaamacada Simad uu ka dhigayo Odayaal dhaqmeed iyo waxgarad iyaga oon xitaa awoodin in ay Af Soomaaliga qoraan sida uu Tarsan tilmaamay.

” Xiligii aan ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaa la iikeenay oo shaqo sii la igu yiri dhalinyaro dhigata iyo kuwa ka baxay Jaamacada Simad kuwaa oo haba yaraatee aan wax aqoonin, qaarkood waxaaba ku adkaa in ay Af Soomaaliga qoraan” Ayuu yiri Tarsan.

Dhinaca kale hadalkan waxaa ka carooday Maamulka iyo Ardayda Jaamacada Simad, waxa ayna ardayda dhigata Jaamacada Simad bilaabeen dhaleeceenta Tarsan iyagoona baraha Bulshada ku faafinayay hal ku dhigyo ay uga soo horjeedaan hadalka kasoo yeeray Musharax Tarsan.

Xiisada labada dhinac ayaa si weyn looga dareemay Baraha Bulshada kuwada xariirto, waxa ayna ugu dambeyn arintaasi keentay in Tarsan uu ku qasbanaado in uu raali galin ka bixiyo hadalkii uu ku duray Jaamacada Simad oo mar Gudoomiye kasoo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.