Animation

Xasaasi: Magaalada Muqdisho oo Howlgal Wadajir ah uu ka Bilowday Kaasi oo ay Fulinayaan Ciidamada Nabad Sugida iyo Kuwa…..

6 responses
Thursday November 3, 2016 - 7:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Banaadir  Col; Bishaar Abshir Geeddi ayaa  sheegay inuu billowday qorshe ay si wadajir ah Ammaanka u wada sugayaan Ciidamada Nabadsugidda ,Boliiska iyo kuwa xoogga Dalka.

Howlgalladani Wadajirka ah ayuu Taliyuhu sheegay in loogu gol leeyahay sidii loo adkayn lahaa ammaanka guud ee Caasimadda Dalka, ayna u kala war qaadan lahaayeen dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Col; Bishaar oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadan uu waajibkoodu yahay adkaynta Nabad gelyada laysku dhafay, iyadoo xilliyada ay howlgalladu jiraanna la xaddidi doono dhaqdhaqaaqyada Ciidamada kale, ciddii jebisana sharciga la hor geyn doono.

Taliyaha Bishaar , ayaa ugu digay Ciidamada aan qaybta ka ahayn howlgalka billowday inay gudaha Magaalada Hub iyo Direysba ku qaataan ,isagoo ku celceliyay in Agab Milliteri loo oggol yahay oo qura Ciidamada markaas shaqaynaya.

Col;Geeddi ayaa ugu danbayntii shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidamada amniga, isla markaana ay u soo gudbiyaan dhibaatooyinka ay maleegayaan kooxaha Nabad diidka ah ee inta badan waxyeellada u gaysta Bulshada Soomaaliyeed