Animation

Xasaasi: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si Layaab leh uga Hadlay Soo Dhaweyntii Shiikh Shariif ee Muqdisho Isagoona ku Tilmaamay in ay tahay………

no responses
Friday September 23, 2016 - 11:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.

“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha hadalkiisu ayaa imanaya Xilli Dalku ku jiro kala guur oo ay ka dhici doonaan Doorashooyin iskugu jira mid Baarlamaan iyo mid Madaxweyne Bisha Oktoober ee sanadkan 2016-ka.