Animation

XASAASI: Madaxda Dowladda Oo Isku Maan Dhaafsan Gudigii loo xilsaarey dacwadda Badda Soomaaliyeed, Iyagoona……………………………

no responses
Monday September 19, 2016 - 6:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada ayaa ka hadlay Muranka badda ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay madaxda dowladda Soomaaliya ay raja weyn ka qabaan in ay ku guuleystaan dacwada Badda ee kala dhaxeysa Kenya.

Waxa uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan iyo mid aan wanaagsaneyn intaba , laakiin ay muhiim tahay in lagu kala baxo sharciga.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in badda ay leedahay dowladda Soomaaliya , laakiin dowladda Kenya ay rabto in ay dhacdo badda Soomaaliya.

Mudane ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay muranka badda marka laga soo tago xataa in ay kusoo xad gudubtay dhulka Soomaaliya.

Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.

Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa gaaray magaalada Hogue ee dalka Holland.

waxaa sidoo kale shalay gaaray Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa Dhinaca kale Sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan daacad ka ahayn Arrimaha Dacwada, isagoo sheegay in haddii ay daacad ka tahay laga rabay inaysan u dirin Maxkamada Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir oo uu sheegay inuusan Shuruucda Caalamiga ah iyo Badda Soomaaliya uusan Aqoon buuxda u lahayn.