Animation

Xasaasi: Jubbaland oo Jawaab Culus ka Bixisay Maraakiib Dagaal oo Jubbada Hoose ku laayay Kaluumeysato Soomaliyed… ( Tollow Jubbaland Maxay ku dhaqaaqday??? )

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 3:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland C/nuur Cali Aadan, ayaa maanta ka hadlay Markab jiriif ah oo weerar kusoo qaaday Xalay Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Jasiiradda Jawaas xasaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in weerarkaasi Kalluumaysatada Soomaaliyeed lagaga dilay laba qof halka Sagaal kalana lagaga dhaawacay ,isagoo sidoo kalena burburiyay qaar ka mida Doonyihii ay wax ku jillaabanayeen.

Mudane C/nuur ayaa intaa raaciyay inuu Markabkani ku hubeysnaa Qoryaha lidka Diyaaradaha, sidaa awgeedna anay suurto gal ahayn in si fudud lagu ogaado cidda iska leh iyo Calanka uu ku gooshayay intaba.

“Waxaa la dagaalamay ciidamada ilaalada xeebaha Jubbaland,markay maqleen qoryaha waaweyn oo meesha ka dhacaya ayay aadeen, haddana waxay ku sugan yihiin meeshii ay markabka kula dagaaleen, waxa dhaawaca iyo dhimashada ay soo gaartayna dhammaan waa kalluumaysatadii,haddana waa loo diyaargaroobay,ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii baaq u diray Dowladda federaalka, Ciidanka Midowga Afrika AMISOM, Beesha Caalamka iyo cid kasta oo wax ka qaban karta, si ay wax uga ogaadaan xaaladda cakiran ee soo food saartay Kalluumaysatada Soomaaliyeed.