Somali News Top News

Xasaasi: Maamulada Jubbaland,Galmudug, iyo Puntland oo Beesha Caalamka Digniin kala kulmay … Tollow Maxay tahay????

War ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay taageerayaan go’aan ka Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ay ku muujiyeen Ilaalinta Heshiiskii ay wada gaareen Maamulayaasha Somaliya.

Waxa ay sheegeen xubnaha Beesha caalamka muhiim inay tahay xaqiijinta Kootada Haweenka ee Aqalka Sare, iyadoo la eegaayo Heshiiskii ay horay u wada gaareen Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran.

“Saaxiibadda Caalamiga ee Somaliya waxay soo dhaweeyeen go’aanka ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ku dhowrayaan Sharciga iyo Ballanqaadyadda ay Hoggaamiyayaasha Somalida sameeyeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Beseha Caalamka waxay si xooggan u taageereen Guddiga Doorashada Dadban ee Heerka Federalka oo ay 48-ka saacadood ugu qabteen inay Maamul-gobaleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland dib u soo dhamaystiraan Liiska xubnaha u matali doona Aqalka Sare, kuna saleeyaan Jadwalka Shaqo ee ay ku heshiiyeen Madaxd Madasha Wada Tashiga Qaranka ee NLF.

Beesha caalamka waxa ay soo dhaweysay Maamulka Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u xaqiijiyay Kootada Dumarka ee Aqalka Sare ee dalka.

“Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay talaabadda ay Maamul-gobaleedka K/Galbeed ku soo dhamaystireen Koontadda Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare.”

Saaxiibadda Caalamka ee Somalia oo ka kooban Hay’addo iyo Dowlado taageero siiya Somalia, waxay ka digeen inaan dib-u-dhac kale lagu samynin Jadwalka ay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka u dejiyeen Doorashooyinka Somalia.

Related posts

Dhageyso: Wasiiro iyo Xildhibaano Eedeyn kulul usoo jeediyay Shariif Xasan Maxayse ku baaqeen???

Tifaftiraha K24

Doorashada Somalia oo looga digay fara gelinta Beesha caalamka

admin

DegDeg: Xukuumada Mareykanka oo joojisay Gargaarkii ay siin jirtay Ciidamada Xooga dalka somaliya.

gurey