Animation

XASAASI: Kulan gaar ah oo ka dhacay Baydhabo & Mooshinkii Shariif oo War cusub laga helay

no responses
Thursday November 9, 2017 - 7:53 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulkaasi, kaas oo ay uga hadleen Mooshinka ka dhanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ka arrinsadeen Aayaha Maamulkaasi, si loo saxo khaladaadka haatan ka jira hoggaanka Maamulkaasi.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxaana ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xasan in uu dayacay Maamulka, islamarkaana uu shaqsiyan u isticmaalay dhaqaalihii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaano hor leh ay Saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Maamulkaasi, oo uu xusay in ay xilka uga tuuri doonaan.

Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed in ay taageeraan Baarlamaanka, islamarkaana ay ka tashadaan Mustaqbalka jiritaanka Maamulkaasi.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.