Animation

Xasaasi: Kulan Albaabada u xiranyihiin oo Hada Magaalada Galkacyo uga socda Danjire Keating iyo Madaxweyne Gaas

no responses
Tuesday November 15, 2016 - 10:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Kitting ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana uu Kulan ay Albaabadu u xiran yahay la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali.

Warbaahinta ayaa Dibada loo saaray waxaana Kulankaan uu yahay Mid Albaabada ay u xiranyihiin Madaxweyne Gaas Kulanka waxaa ku wehliya Wasiiro Puntland ka tirsan Saraakiil Ciidan.

Warar Hoose oo Jubaland24 ay Heleyso ayaa waxa ay sheegayan in Danjire Keating uu Cabdi Wali Gaas kala Hadlaayo Kala qaadida Labada Ciidan ee Galkacyo isku Horfadhiya iyo in Heshiisii dhawaan Galkacyo lagu gaaray uu Noqdo Mid meel mara.

Dhanka kale Danjire Keating ayaa lagu wada ain Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa weli waxa ay Isku Horfadhiyeen Halkii ay ku dagaalameen waxaana Laga Baqaya Ciidankaan is horfadhiya in Markale ay Dagaalaman Maadama weli Meeshooda ay ku wada suganyihiin oo Xurgufta ay weli ka dhaxeyso.