Animation

Xasaasi: Itoobiya maxay uga dhigantahay booqashada farmaajo uu maanta ku tagaayo addis ababa??

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 9:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo arbaco ah ku wajahan magaalada addis ababa ee caasimadda dalka itoobiya.

Booqashada madaxweyne farmaajo ee dalka itoobiya ayaa timid ka gadaal markii casuumaad rasmi ah uu ka helay ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in addis ababa uu kula kulmo ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, iyo madaxweynaha dalka itoobiya Mulato Tshome.

Arimaha ugu waaweeyn ee labada dowladdood ay ka wada hadli doonan waxaa kamid ah wanaajinta xiriirka labada dal,la dagaalanka alshabaab iyo iskaashi dhab ah oo labada dal ay yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in booqashadiisa ay qaadato mudo laba cisho ah waxaana ay noqoneysa booqashadii ugu horeysay ee itoobiya uu ku tago tan iyo markii madaxweynaha loo doortay waana booqashadii labaad ee addis uu ku tagay tan iyo markii uu 2011-kii uu dalka ra’isul wasaaraha ka noqday.

Madaxweyne farmaajo ayaa la kulmi doona guddoomiyaha midowga afrika moussa faki waxaana uu booqan doona xarunta midowga afrika ee magaalada addis ababa.

Waa safarkii 6-aad ee madaxweynaha uu dalka ka dhoofo tan iyo markii bishii febraayo loo doortay xilka madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia.

Booqashada farmaajo ee itoobiya waxa ay noqon doonta mid dib usoo celisa xiriirka labada dal oo mugdi uu galay tan iyo markii farmaajo la doortay.