Animation

Xasaasi: Is Rasaaseyn Culus oo Xalay ka dhex Bilaabatay Xarunta Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar iyo Wiil uu dhalay Masuul Culus oo Dhaawacmay….

no responses
Saturday November 19, 2016 - 7:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Xalay Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabellaha Dhexe ahna Xarunta Maamulka Hirshabelle uu ka dhacay Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada ilaaliya Xarunta ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle iyo Ciidamo ka amar qaatay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumada Soomaaliya Mudane Nuux ayaa Iska hor imaadkaas waxaa ku dhaawacmay Wiil arday ah oo uu dhalay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Wiilka ardayga ah ee uu dhalay Madaxweyne Kuxigeenka Hirashabelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in rasaas Habow ah ay ugu tagtay Hoygooda.

Is rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii uu buuq ka dhashay doorashada Aqalka Hoose oo Kursiga Gugundhabe, gaar ahaan Jufada Jidle ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuur iyo Axmed Shiikh Nuur Foodcadde iyo Nuur Bocor.

Wareega hore ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale ee Axmed Shiikh Nuur Foodcade oo la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay taageerayaasha Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed  uu  kahelay 23 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.

Intaas kaddib ayaa loo baahday wareeg labaad, si ay u kala baxaan labada Musharax ee ugu codka badnaa, waxaana kadib goobta ka dhacday buuq iyo gacan ka hadal.

Musharixiintan ayaa Isku qabtay Kursiga Beeshooda waxaana Guddiga doorashooyinka laga filaaya in Maanta ay Go’aan ka gaaraan Doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gugundhabe.