Animation

XASAASI: Gudoomiyaha Caabudwaaq Oo Puntland Ku Eedeyey Dilalki Nabadoonada Ee Shalay Ka Dhacay Caabudwaaq, Iyadoona…………………….

no responses
Thursday September 8, 2016 - 5:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kadib weerar shalay ka dhacay Magaaladda Caabudwaaq oo ay ku geeriyoodeen Nabadoona Caan ah, Gudoomiyaha Degmadaasi oo BBC-da la hadley ayaa ka warbixiyey cidii ka danbeysey Weerarkaasi.

Mahad Omar Elmi Gudoomiyaha Degmadda Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug ayaa sheegey in ragii shalay weerarka ka geystey Magaaladu ay ahaayeen kuwa ka yimid banaanka Magaaladda.

“Ragii Weerarka Magaaladda ka geystey waxaa ay ahaayeen kuwo laga soo abaabuley Banaanka Gobalka, waxaana laga soo abaabuley Kilinka 5aad iyo Puntland” ayuu yiri Gudoomiye Mahad Omar Elmi.

Ugu danbeyn xalay ayaa Nabadoonidii labada ahaa ee Caabudwaaq lagu diley lagu aasey isla magaaladaasi.