Animation

Xasaasi: Dhageyso Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Goobta lagu soo Xulaayo Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ee Baarlamaanka Soomaliya

no responses
Monday September 26, 2016 - 8:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashooyinka Dadban ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goobta lagu soo xulaayo xildhibaanada gobollada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Md:Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Md, Cumar Dhagay ayaa sidoo kale xusay in odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn u soo dhawaynayaan in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Hadalkan ka soo baxay Guddiga  Federaalka ee doorashada dadban wuxuu meesha ka saarayaa khilaaf laxiriiray halka ay ka dhacayso doorashada xildhibaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka