Animation

Xasaasi: Ganacsade Boosaaso lagu dhaawacay iyo Nabad-doon horay loo dhaawacay oo isna geeriyooday

no responses
Saturday January 28, 2017 - 7:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dabley hubeysan ayaa Maanta Duhurnimadii waxa ay Rasaas la dhaceen Ganacsade lagu Magacaabo Burhaan Ilko dhagax.

Ganacsadahaan ayaa waxaa la dhaawacay Xili uu ka soo Rawaxay Mehradii oo ku tiilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ganacsadaha dhaawaciisa waxaa hada lagu dabiibaya Cisbitaalka daryeel ee Magaalada Boosaaso.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Kooxdii dhaawaca u geestay Ganacsadaha ay goobta ka baxsadeen.

Lama Oga sababta dhabta ah ee ka Dambeysay Weerarka Ganacsadaha lagu dhaawacay mana jirto cid ilaa iyo hada loo soo qabtay Falkaan .

Dhinaca kale Magaalada Boosaaso waxaa Maanta lagu aasay Allaha ha u Naxariistee Nabad-doon Muuse Xaaji Faarax ayaa lagu Aasay Kadib markii uu u dhintay Dhaawac Magaalada Boosaaso loogu geestay 25-kii Bishaan aynu hada ku jirno .

Nabad-doonka waxaa Xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayayay Maalmahanba Cisbitaal Boosaaso ku yaala Maanta ayuuna u dhintay dhaawicii Dableyd ay u geesatay.

Ma jirto Cid ilaa iyo hada loo soo qabtay Dhaawacii loo geestay Nabad-doonka oo Maanta u dhintay dhaawacaasi maamulka Puntland weli kama uusan hadlin falkaan iyo cida loo haayo.

Boosaaso waxaa Mudooyinkaan kusoo kordhay Dilalka qorsheyn oo ay fuliyaan dabley Bastoolad ku hubeysan waxaana Maamulka Gobolka Bari iyo Kan Boosaaso ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan dilalkaan kusoo batay Magaalada Boosaaso .

Facebook Comments