Animation

Xasaasi: Galmudug oo ku goodisay in Ciidamo Badan ay u diri doonto Deegaan ay ku dagaalamayan Alshabaab iyo….

no responses
Friday November 25, 2016 - 4:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Deegaanka Dumay oo 50Km waqooyi Kaga Beegaan Dagmada Xarar Dheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa aka dhacay Dagaal u dhaxeeya dadka Deegaanka iyo Ciidamada Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu Yimid ka gadaal Markii Alshabaab ay weerar kusooq aadeen Dhalinyaro deegaanka ah oo Isku Abaabulayay in ay ladagaalaman Alshabaabka ku sugan Xararheere.

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku geeriyotay Dagaalka Halka dhaawaca uu Intaasi ka badanyahay waxaana qasaaraha uu u badanyahay dhinacyadii Dagaalamay.

Xiisad ayaa hada laga soo sheegaya in Deegaanka ay ka taagantahay taasi oo u dhaxeysa Labada Ciidan waxaana Wararka qaar ay sheegayan in Shabaabka ay Abaabul xoogan wadaan oo ay kula dagaalamayan Dadka deegaanka.

Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamo ay u direyso Deegaanka Dumay si ay u gacan siiyaan Dadka deegaankaasi oo Alshabaab dagaal kula jira.