XASAASI: Galmudug Oo Kashiftey Sir Ku Saabsan Ciidamo Puntland Ka Tirsan Iyo Weliba Sidoo Kale………………….

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga Ee Dowladda Soomaaliya ee dhawaan Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo oo ay la socdaan Ciidanka PIS-ta Puntland iyo Saraakiil Mareykan ah ay Odayaal ka Afduubteen Dhinaca Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo Galabta Warbaahinta kula hadlay Koofurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidanka yimid Gaalkacyo ay Qalqal amni ka Abuureen Magaalada islamarkaana ay Odayaal

Magaalada ka Afduubteen,waxaana Duqa Gaalkacyo uu sheegay in Dadka la Afduubtay uu ku jiro Oday Waayeel ah oo miyi ka yimid sida uu hadalka u dhigay.

Xirsi Yuusuf Barre ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug ay leedahay Ciidan isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid islamarkaana aan lagala tashan Galmudug oo aysan waxna ka Ogeyn Arrintaas.

Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa dhawaan waxaa gaaray Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan Kuwa sida gaarka ah u Tababaran,waxaana saraakiisha Hogaaminaya ay sheegeen in ay Gaalkacyo u tageen Howlgal gaar ah.