Animation

Xasaasi: Galeyr oo Burco gaaray iyo Xaaladda Buuhoodle oo qasan kadib markii uu…..

no responses
Monday February 6, 2017 - 5:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno magaalada burco ee gobolka togdheer maamulka soomaliland ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu gaaray madaxweynaha maamulka khaatumo cali khaliif galeyr.

Cali khaliif galeyr oo shalay loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha buuhoodle ayaa waxa uu safar dhulka ah ku tagay magaaalda burco sida ay wararku sheegayan.

Galeyr iyo wafdigiisa waxa ay doonayeen in shalay ay diyaarad ka raacaan garoonka diyaaradaha buuhoodle inkasto ay is hortaag kala kulmeen maleeshiyo beeleed oo diiday in galeyr uu garoonka ka dhoofo.

Maleeshiyada waxa ay sheegen in galeyer uu doonaayo in uu Jabuuti uga qeyb galo wada hadalo u dhaxeeya soomaliland iyo khaatumo .

Soomaliland iyo khaatumo waxaa ka dhaxeeyay xurguf siyaasadeed waxaana hada soomaliland ay isku dayeysaa in ay khaatumo ka dhaadhiciso in maamulka ay kusoo biirto.