Animation

XASAASI: FAH-FAAHINO Laga helayo dagaalkii shalay Galmudug iyo Puntland dhex marya, Iyadoo………………(Maxaa tolow laga soo sheegayaa???)

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 5:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaal Xoogan oo Shalay ka dhacay   Deegaanka Docolle ee Bariga Gobolka mudug.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labadii dhinac ee dagaalka dhex maray.

Dagaalkan ayaa dhexmaray Maleeshiyaad ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana Dagaalka uu yahay mid goos goos ah oo weli Maleeshiyaadka ay isku hor fadhiyaan.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 6 Qof halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen,waxaana weli jirta cabsi ku aadan in mar kale halkaasi uu Dagaal kale ka Qarxo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaanan weli ka hadlin Dagaalka dhexmaray Maleeshiyaadka ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.