Animation

Xasaasi: Dowlada Norway oo Sharciga Kala Noqotay Qaxooti Soomaliyeed oo Tiradooda lagu sheegay in kabada…..

no responses
Monday October 24, 2016 - 8:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlada Norwey ayaa shaacisay in ay sharciga kala laaban doonto islamarkaana dib usoo celin doonto qaxooti badan oo Soomaaliyeed.

Tirada qaxootigan oo lagu sheegay 1600 oo Soomaali ah ayey dowlada Norwey u sababaysay in markoodii hore ay dadkaan isku dhiibeen warbixino been ah.

Soomaalida ku dhaqan dalka Norwey ayaa sheegay in talaabadaan ay tahay wax aad looga xumaado isla markaan aysan macquul ahayn dad intaas wadanka Norwey ku noolaa in sidaas loola dhaqmay.

Arinkan ayaa cabsi xoogan ku abuureysa dadka ku nool dalka Norwey ayada oo sidoo kale la filaayo in ay yareyso dadkii kusoo dhiiran lahaa in ay soo galaan dalka Norwey.