Animation

Xasaasi: Dowlada Jabuuti oo Shaaca ka qaaday Cida ay uga Cabsi qabto in ay Carqaladeeyaan Doorashada Soomaliya…

no responses
Sunday October 30, 2016 - 7:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlada Jabuuri ayaa ka hadashay Doorashada dhawaan la filaayo Soomaliya iyo Saameynta Alshabaab ay ku yeelan karaa Doorashada Dalka ka dhaceyso.

Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada Jabuuri Maxamud Cali Yusuf ayaa waxa uu sheegay in Alshabaab ay wadaan Dhaq dhaqaaq xoogan oo ay ku doonayan in ay ku naafeeyaan Doorashada Dalka ka dhaceysa wuxuuna xusay in Shabaabku qorsha dagaal ay wadaan iyo Qaraxyo ay geestaan xiliga doorashad ay dhaceyso.

Wasiir Maxamud ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-shabab ay la soo baxday istiraatihjayad ay ku laba jibaareyso weeraradeeda si aysan guul ugu dhamaan doorashada Soomaaliya si gaar ah markii ay fadhiisimo dhowr ah ay isaga baxeen ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale wasiirka wuxuu soo hadal qaaday Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne kaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay wuxuuna wasiirka xusay in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen 3 kamid ah Ciidamada Jabuuti halka dhaawacana uu gaarayo ilaa lix Askari oo Jabuutiyaan ah .