Animation

Xasaasi: Dibad-bax lagu taageerayay Xil ka qaadistii lagu Sameeyay C/kariim Guulled oo Maanta ka dhacay Magaalada…..

no responses
Wednesday January 11, 2017 - 9:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayan in Maanta halkaasi uu ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu taageeraayo Go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay Xilka uga qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi C/kariim Guulled.

Boqolaal Ruux ayaa isugu soo baxay Cadaado iyagoo taageeraya Mooshinkii xilka looga qaaday Guulled oo shalay ay xildhibaano gaaraya 49 xildhibaan ay Cod u qaadeen.

Banaanbaxa waxaa soo qaban qaabiyay Ururada Bulshada Rayidka waxaana Dadka ka qeyb qaadanayay ay muujinayaeen Dareenkooda ku aadan Xil ka qaadistii lagu sameeyay C/kariim guulled oo ahaa Madaxweynaha maamulka Galmudug kadib Markii Baarlamaanka uu ku eedeyay in uu gudan waayay Waajibaadkii loo igmaday Waxaana Xildhibaanada ay Guulled ku eedeeyen in Muqdisho uu iska dhex fadhiyo oo Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay uusanba ka war qabin.

Facebook Comments