Animation

Xasaasi Dhageyso: Yuusuf Dabageed oo War Lama Filaan ah ka sheegay Maamulka Cusub ee Hirshabeele iyo madaxda Loo doortay….

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 8:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar “Dabageed” oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay galab ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Dagabeed ayaa sheegay in doorashadaasi ay ku dhacday si cadaalad ah wuxuuna u hambalyeeyey madaxda cusub ee loo doortay maamulka Hirshabeelle.

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan, maxaa yeelay waa maamul xalaal ah oo doorasho ku yimid, waana la shaqeyn doonnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar “Dabageed” oo saxaafada kula hadlay magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney la shaqeeyaan, gacmo furana ku soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Hirshabelle, isagoo dhinaca kale xusay iney ka hortegi doonaan ciddii isku dayda iney carqaladeyso.