Animation

Xasaasi Dhageyso: Yuusuf Dabageed” Madaxweyne aan laheyn Xafiis uu ku shaqeeyo Uma maleynaayo in Waqtigaan uu Xilka iga qaadi karo”

no responses
Thursday October 27, 2016 - 8:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar Dabageed ayaa ka hadlay Xil ka qaadis uu ka sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele.

Dabageed wuxuu sheegay in uusan ka war heyn Xil ka qaadistaan lagu sameeyay Madaxwenaha Hirshabeele uusan kusoo wargalin in uu xilka ka qaaday Balse uu ka maqlay Idaacadaha Website-yadana uu ka arkay .

” Cali C/llahi Cosoble waa Madaxweynaha Maamulka labada Gobol Xil wuu iga qaadi karaa mid kalana wuu u magacaabi karaa balse waxay ila tahay in deg deg uu jiro oo uusan madaxweynaha xiligaan awoodin in uu xil ka qaadis sameeyo maadaba uusan laheyn Xafiis iyo weliba Tusmo maamulka loo sameyay marka hadii uu xilka iga qaaday waansoo dhaweynaya midka Cusub ee la igu badalay iyo Madaxweynaha labaduba waan la shaqeynaya” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka