Somali News

Xasaasi Dhageyso: Xildhibaanada Cusub oo durba Bilaabay Mooshinkooda ugu horeeyo yaase lagu dhaganyahay ???

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaliya ayaa durbaba bilaabay in ay keenan Mooshin lagu dalbanaayo in dib loo fasaxo Xildibaanadii horay doorashadooda loo celiyay ee 5 ahaa kuwaasi oo Guddiga khilaafaadka ay diideen Natiijadii kasoo baxday Doorashooyinka ay galeen.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay haboon tahay in shantaasi xildhibaan  aan laga reebin baarlamaanka ,islamarkaana aan lagu laaban doorashadooda.

Waxay ay codsadeen in Xubnahaasi lagu soo daro Baarlamaanka Hada shaqeeyo maadama bay yiraahdeen ay dadaal adag usoo galeen Kamid noqoshaha Baarlamaanka soomaliya ayna haboontahay in la iska cafiyo oo xildhibaanada kale ay la mid noqdaan.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay guddoonka ka codsadeen in Dalabkaan uu noqdo mid sharci ah maadama xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin dadkii sharciga dajinayay oo ay qasab tahay in mooshin laga dhigo laalista xildhibaanada 5 ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Related posts

Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay Xaalada Caafimaad ee Eng Yarisow

admin

Daawo: Sawirradii ugu horeeyay abuu mansuur oo sheegay in uu shabaab ka baxay

Tifaftiraha K24

War Cusub: Hey’aadda UNHCR oo soo Saartay Tirada ku dhimatay Bada u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga

admin