Animation

DHAGEYSO : Axmad Cali Daahir oo ka Sheekeeyay sida ay Maanta u dhacday Dacwada Badda ee u Dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya

no responses
Monday September 19, 2016 - 8:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Hague ee dalka Netherland waxaa maanta ka bilaabantay dhagaysiga dacwada muranka dhinaca xuduudda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Kenya ayaa ku doodaysa in maxkamaddan caalamiga ah aysan sharci u lahayn inay dhagaysato dacwadda, waxayna ku baaqaysaa in labada dawladood ay ka wada hadlaan muranka dhexdoodana ay ka heshiiyaan.

Dawladda Soomaaliya ayaan iydana la filayaa inay kiiskeeda ka horjeediso maxkamadda maalinta berry ah.

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir oo wafdiga Somaaliya ee dacwdaan u yimid horkacaya ayaa ka hadlay Dacwada Maanta sida ay u dhacday iyo Waxa uga qorsheysan dowlada Federaalka oo Maalinta Berito ay Maxkamada Dhageysaneyso Dooda Qareenada Soomaliya u doodaya.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha Qaranka