Animation

Xasaasi Dhageyso: Wasiir Odowaa oo si Cad u sheegay Cida Masuuliyadeeda qaadeyso Colaada iyo Dagaalka ka socda Galkacyo Xili uu Fariin u diray Gaas iyo Guulled

no responses
Friday October 21, 2016 - 3:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaliya C/Raxmaan Maxamad Xuseen Odowaa oo ka qeyb galaayay Barnaamij Su’aalo lagu weydiinayay ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalka iyo Colaada soo Laab laabatay ee ka jirta Magaalada Galkacyo.

Wasiir Odowaa wuxuu sheegay in Dagaalada Galkacyo ka socda ay hada leedahay Xal ka gaarid isagoo xusay in Markii Hore Dagaalada Galkacyo ay ahaayeen Dagaal Beeled Balse hada ay Magaalada ku hardamayaan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Odowaa wuxuu Intaasi ku daray in Madaxda Maamuladaasi lagala Xisaabtami doono Dagaalada ka socda Galkacyo iyo Dhibaatada ka dhalata.

Galmudug iyo Puntland wuxuu Midba midka kale ku Eedeynaya in uu Hurinaayo Colaada Galkacyo Iyadoona ay Xusid Mudantahay in Puntland ay Dowlada Federaalka ku Eedeysay Dagaalka Galkacyo iyo in ay Qeyb ka tahay oo Ciidanka Dowlada ay dagaalka ku jiraan.