Animation

Xasaasi Dhageyso: Wasiir Maareeye oo Dacwad laga yaabay ka gudbiyay Mid kamid ah Salaadiinta Beesha uu isaga ka dhashay

one response
Tuesday November 29, 2016 - 2:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta uu Dacwad ka gudbiyay mid kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Beeshiisa.

Wasiirka oo maanta tegay xarunta Dembi Baarista Booliska ee CID-da Muqdisho ayaa halkaas saxaafadda kula hadlay wuxuuna sheegay inuu isagoo muwaadin caadi ah uu dacwad ku soo oogay Boqorkiisa oo uu sheegay inuu shirqool siyaasadeed u dhigay, kuna eedeeyay inuu afduubtay Oday dhaqameedka Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed.

Wasiir maareeye ayaa si kulul uga hadlay Eedeyn dhawaan loo jeediyay oo ku aadaneyd in Wasiirka uu muqdisho ku xiray Suldaanka Beeshiisa taasi ayuuna ku tilmaamay wax kama jiraan isagoona codsaday in Cadeyn buuxda ay u keenan eedeynta ay soo jeediyeen Waxgaradka Beeshiisa.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id wasiir Maareeye