Animation

Xasaasi Dhageyso: Wasaarada Arimaha Gudaha oo Markii ugu Horeysay Shaacisay Waqtiga lasoo gaba gabeynaayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe

no responses
Thursday September 29, 2016 - 8:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.dhexe  waxaa ka Furmay Shir Lagu Ansixinaayo Dastuurka Labada Maamul ay yeelan doonan .

Shirka waxaa ka qeyb -galay ergooyin ku dhow 300 waxaana laguw adaa in lagu ansixiyo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Furitaanka wajiga labaad  ,waxaa xafladdii lagu maamuusaayey ka qeybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Arimaha Gudhaa iyo federaalka Dr Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, masuuliyiin ka socotay maamulada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol.

Wasaarada Arrrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ushaacisay in Bartamaha Bisha soo socota la soo gaba gabeyn doono Dhismaha shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gaba gabeyn doono Dhismaha shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogashiisa ay taalo Magaalada Jowhar.

Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladihii ugu adkaa ee shirkan Maamul u sameyntiisa laga soo gudbay inta kale ee hada hartayna ay yihiin kuwo fudud oo la maareyn doono.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka