Somali News Top News

Xasaasi Dhageyso: Suldaan Bayle” Ina Xaashi Carabey Dagaalka Caabud-waaq ka dhacay Isaga Masuul ka ah Waxaanse usheegay in…….

Magaalada Caabud-waaq maanta waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeled ku abtirsada Beesha Celi iyo Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Halkaasi Saldhig ku lahaa.

Dagaalka ayaa la sheegay in Dhowr saacadood uu qaatay Waxaana Markii dambe Maleeshiyada weerarka soo qaaday u suurta gashay in ay la wareegaan Saldhiga.

Hadaba Si aan waxbadan uga ogaano Dagaalka ka dhacay Caabud-waaq waxaan Goordhaw Qadka Taleefanka Magaalada Cadaado kula xiriinay Suldaan CabdulCaziz Cumar (SULDAAN BAYLE).

Suldaan Bayle oo Wareysi siiyay Shabakada Kismaayo24 ayaa waxa uu si kulul uga Hadlay dagaalka Maanta ka dhacay Caabud-waaq isagoona Eedeyn kulul usoo jeediyay maamulka Galmudug gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi carabey.

Suldaanka wuxuu sheegay in uusan Marnaba Raali ka aheyn in Dhiig uu ku daato Caabud-waaq isagoona shaaciyay in Mareexaan dhexdiisa la isku diraayo waxa sidaas yeelaayana ay yihiin Dad dano gaar ah leh.

Dhinaca kale suldaan bayle waxa uu shacabka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku Nool qeybo badan oo ka tirsan Galgaduud gaar ahan deegaano ay kamid yihiin Caabud-waaq Balan bal iyo Dhabad iyo deegaano kale ay la dhibaateysanyihiin Abaar xoogan oo Saameyn ku yeelatay Dadka iyo Duunyada.

Halkaan Hoose ka Dhageso Wareysiga Suldaan Bayle oo Xasaasi ah 

Related posts

TOP NEWS: Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigan Sarkaal ka tirsan Alshabaab iyo Ciidamo uu watay+Magaca Sarkaalka

admin

Xasaasi Dhageyso: General Koofi Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo si Layaab leh uga Hadlay Soomaalida laga soo Celinaayo Qaar kamid ah wadamada Yurub

Tifaftiraha K24

SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan gaara la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Ahmed sudani