Animation

Xasaasi Dhageyso: Salaadiinta Galmudug oo Ku dhagan Mareykanka iyo Kulan Xasasi ah oo dhacay Maxaase ka soo baxay???

no responses
Monday November 21, 2016 - 9:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo Baxayan Kulan Xasaasi ah oo Dhexmaray Odayaasha iyo Salaadiinta Maamulka Galmudug iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Mareykanka.

Kulankaan ayaa waxa looga Hadlayay Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geesteen Deegaanka Jeexdin Kaasi oo ay ku dileen ku dhawaad 13 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug.

Xubnaha Dowlada Mareykanka ka socday ayaa Cudur daar buuxa ka Bixiyay wixii ka dhacay Jeexdin iyagoona qiray in Mareykanka lagu qalday Weerarkaasi oo Saraakiisha PIS-ta Puntland ay Xog qaldan siiyeen Ciidamada Mareykanka Weerarkana uu sidaasi ku dhacay .

Kulanka oo Qaatay dhowr saacadood ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Suldaan Cabdi Naasir Jamac Seed oo ka Mida ah Saladiinta Deganada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Suldaanka ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ah ay kala hadleen Hantidii lagu burburiyay Weerarkii Jeexdin iyo sidoo kale ciidankii lagu dilay.

Ugu Dambeyn Suldaanka ayaa sheegay in Mareykanka Laga doonaayo in Magdhaw uu ka Bixiyo Ciidankii uu ku laayay Jeexdin.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka