Animation

Xasaasi Dhageyso: Safiirka Soomaliya u Fadhiya Wadanka Mareykanka oo Wareysi Cajiib ah Siiyay VOA isagoona ka hadlay Hadal heynta Taagan ee kun aadan Trump

one response
Monday November 14, 2016 - 12:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Donald Trump ayaa ku soo aaday iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Mareykanka uu soo xoogeysanayay tan iyo markii uu mareykanka Aqoonsaday Somalia bilowgii sanadkii 2013kii.

Mareykaka waxa uu taageero dhaqaale iyo mid dhinaca milatariga ah, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo tababarada siiyaa Somalia.

Ol’oalhii Madaxtinimada Trump ayaa waxa uu balan qaaday Dhowr jeer in Dadka soomaliyeed ee ku Nool Wadanka Mareykanka uu Il gaar ah kula socon doono Wuxuuna dhowr mar u gafay Bulshada Soomaliyeed isagoo ku tilmaamay in ay yihiin Dad wax magarato ah oo aan waxba qabsan Meelaha iska fadhiya Islamarkaana ku biira Kooxaha Argagaxisada.

Hadaba, dowladda uu soo dhisayo Madaxweynaha Cusub Donald Trump ma sii wadi doontaa taageerada Horay uu Mareykanka u siin jiray Soomaliya Mise Meesha ayuu ka saari doona Trump Cilaaqaadka kala dhaxeeya Dowlada Soomaliya??

Safiirka Soomaliya u fadhiya Wadanka Mareykanka Ambassador, Axmed Ciise Cawad ayaa Wareysi uu siiyay Laanta Afka soomaliga ee VOA kaga Hadlay Arimahaasi iyo arimo kaloo Xasaasi ah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Safiirka