Animation

Xasaasi Dhageyso: Puntland oo u Muuqata in ay Dabin ku Riday Diyaaradaha Mareykanka ayaa War ka soo saartay Weerarkii Lagu dilay Ciidanka Galmudug

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 2:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa ka hadashay Howlgal ay sheegen in ay ku beegsadeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab Howlgalkaasi oo ak dhacay Duleedka Bari ee Magaalada Galkacyo.

Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug C/naasir Bedel Khalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalku uu saacado kooban qaatay ayna la galeen kooxihii ay horay isku hayeen ee falalka amni xumo oo qaraxyadu ay ka mid yihiin ka gaysanayey gudaha puntland kuwaasi oo uu ula Jeeday Alshabaab.

Wuxuu xusay in Howlgalka uu Ahaa Mid qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay isagoo xusay in Howlgalkaasi ay fuliyeen Ciidanka PSF oo kaashanaya Ciidamo Ameerikaan ah.

Maamulka Puntland oo weerarka ka hadashay ayaa sheegtay in Diyaarado dagaal ay beegsadeen Xeryo ay Ciidanka Galmudug ku suganyohiin waxaana diyaaradu ay beegsatay Gaari dagaal oo Ciidanka Galmudug ay saarnaayen waxaana werarkaasi ku dhintay 10 askari oo Galmudug ka tirsan halka ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka