Animation

Xasaasi Dhageyso: Nabad-doon Xaad” Dowladu waa in ay Galakcyo geysaa Ciidamo Dheerad ah oo isugu jira Milatari Nabad Sugid iyo…….

no responses
Friday October 14, 2016 - 9:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Magaalada Galkacyo ay kusoo Laab laabteen Dagaalo u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa Arintaasi ka Hadlay qaar kamid ah Nabad-doonada Beesha Hawiye.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka beelaha Hawiye Deegaan ahaana ka soo jeeda Galmudug ayaa waxaa uu Nasiib daro ku tilmaamay in Galkacyo Markale uu dagaal ka dhaco.

Xaad wuxuu Codsaday oo baaq uu ku diray in si deg deg ah Colaada Galkacyo loola joojiyo islamarkaana Wada Hadal lagu dhameeyo khilaafka sababay dagaalada soo laab laabta ee Galkacyo ak dhacaaya.

Dhinaca kale Nabad-doon Xaad ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka in ay Ciidan ka madax banaan kuwa labada Maamul ay geeyso Magaalda Galkacyo si ay u kala dhexgalaan Labada Ciidan oo Hardanka uu ka dhaxeeyo.

Nabad-doonka wuxuu xusay in Dowlada looga baahanyahay in Galkacyo ay geyso Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Militari ay geyso Magaalada Gaalkacyo, si ay u kala dhexgalaan Maamulada halkaasi ku dagaalamaya.

Hadalka Nabad-doon Xaad wuxuu Imaanaya Iyadoo Puntland Dhawaan ay dowlada ku eedeysay in Ciidankeeda ay qeyb ka yihiin Dagaalada ka dhacaya Galkacyo oo ay la Safanyihiin sida ay sheegen Maamulka Galmudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Nabad-doon Xaad