Animation

Xasaasi Dhageyso: Meeqa ayey Gaarayan Tirasda Maxaabiista ay Maanta Galkacyo Isku Dhaafsadeen Maamulada Galmudug iyo Puntland??

no responses
Sunday October 30, 2016 - 11:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dadaal dheer oo ay galeen Ganacsatada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku guuleysteen in Maamulada Galmudug iyo Puntland ay is dhaafsadaan Maxaabiis Labada dhinac ay horay u kala qabsadeen.

Puntland ayaa sii deysay shaqsi ay ka haysteen dhanka Galmudug, iyadoo Galmudug iyana ay siideysay Saddex qof oo uu ku jiro ganacsade kasoo jeeeday dhanka Puntland.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah loogu guuleystay in maxaabiistaan la is dhaafsado,  islamarkaana dadaalka ugu weyn ay bixiyeen Ganacsatada Labada dhinac.

“Ganacsatada Galmudug iyo Puntland oo iyagu ka dhaxeyso shaqada, hantidana isugu darsan tahay ayaa dedaal dheer ku bixiyey sidii loo siideyn lahaa maxaabiistaan la kala haysto, wax walbo oo ay ahaadaanba waa lagu guuleystay in la isku sii daayo maxaabiista waliba iyaga oo badqaba” ayuu yiri Nabadoonka.