Animation

Xasaasi Dhageyso: Maxaadan Ogeyn oo ka soo baxay Kulan Xasaasi ah oo Beledweyne ku Dhexmaray Madaxweynaha Hirshabeele iyo Ugaas Xasan??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Saturday October 22, 2016 - 5:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Beledweyne Shalay waxaa kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabeele Cali C/llahi Cosoble iyo Ugaaska Beesha xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay in uu dhacay ilaa labo jeer Salaada Jimco ka hor iyo Kadib ayuu Kulanka dhacay waxaana Dibad joog ka ahaa Warbaahintaa oo looma ogolaan Xetaa in Kulanka ay Sawirro ka qaadan ama ay Xogtiisa Ogaadaan.

Kulanka oo Sida Muuqatay ahaa Mid Xasaasi ah Maadama waqti Badan uu socday ayaa Marka uu soo Idlaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali C/llahi Cosoble isagoona Warbaahinta uga warbixiyay waxyaabaha kasoo baxay Kulanka.

‘’ Waxaa maanta Magaalada Baledweyne kula kulmay Ugaas Xasan runtii waxbadan ayaa ka wada hadalnay oo ku saabsan arinta Maamulka Hirshabeelle marka Ugaaska ma diidana Hirashbeelle ,balse waxaa uu doonayaa in dadka reer Hiiraan ay helaan xuqooqda ka maqan wax qabadkiina ayaan fiirinayaa ayuu inoo sheegay, sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay Mudane Cali C/llahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeele.

Madaxweynaha wuxuu kaloo xusay in Kulanka Is afgrad uu kusoo dhamaaday oo qodobadii ay ka wada hadleen Ugaaska Badankood la isku waafaqay Inkastoo Ugaas Xasan uusan weli ka hadal Moowqifkiisa ku aadan Maamulka Cusub ee Hirshabeele iyo Madaxweynaha loo doortay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hirshabeele