Animation

Xasaasi: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Cabdi Wali Gaas uu ka yiri Heshiiska Hordhaca ah ee laga gaaray Colaada Galkacyo???

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 3:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha puntland cabdiweli gaas ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada boosaaso, waxaana goroonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey wasiiro katirsan puntland maamulka gobolka bari kan degmada iyo saraakiil ciidan.

Gudoomiyaha gobolka Bari yuusuf Maxamed Wacay Dhedo ayaa  madaxweynaha kusoo dhoweeyey bosaso waxaana uu sheegay in gobolka bari ayka jirto xaalad degenaasho marka laga reebo magaalada qandala.

Soo dhoweyn kagadaal madaxweynaha dowlada goboleedka puntland oo Warfidiyeenka kula hadlay qaybta Nasashada ee garoonka Boosaaso ayaa sheegay in puntland iyo galmudug ayku heshiiyeen xabad joojin gaalkacayo ka dhaqan gasha iyo in la ilaaliyo wada degenaashaha iyo xasiloonida magaalada.

“isug tagayaagii imaaraadka carabta waxay noo ahayd fursad aan isku aragnay madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxda kale ee Dalka waxaanu kawada hadlaynay shidadii gaalkacayo waxaanu wada gaarnay xabad joojin ka hirgasha gaalkacayo iyo in shacabku dib ugu soo laabtaan, wixii soomaaliya kala fogayn kara laga dheeraado’”ayuu yiri madaxweyne cabdiweli gaas

Madaxweynaha dowlada goboleed ka puntland  Cabdiweli maxamed cali gaas ayaa dhinaca kale ku goodiyey inaan malayshiyaadka daacish sii haysan doonin magaalada qandala ,islamarkaan puntland ay ku dedaali doonto soo afjarida malayshiyaadka daacishka.

“Waataan horay usheegay daacish qandala mahaysan karto mana haysan doonto  awoodna uma laha qandala waqtiga ay joogi karaan waa maalmo kooban waana laga hawlgeli doonaa ” ayuu yiri madaxweynaha puntland