Animation

Xasaasi Dhageyso: Madaxweyne Xasan Shiikh oo si Layabaab leh uga Hadlay Eedeymo kaga timid Puntland oo ku aadaneyd in Dowlada Federaalka ay qeyb ka tahay Dagaalka Galkacyo

one response
Monday November 7, 2016 - 8:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka Hadlay Dagaalka kasoo Cusboonaaday Magaalada Galkacyo ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne Xasan ayaa shiikh ayaa cambaareeyay Dagaalka Galkacyo ee Dhiiga Shacabka Soomaliyeed lagu daadinaayo .

Mar uu ka hadlaayay Eedeymo dhowr ah oo loo jeediyay Dowlada Federaalka ee ku aadana in ay Hurineyso Colaada Galkacyo ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Dowlada lagu eedeeyo in Maanta Colaad ay hurineyso.

“Meel ay dowladda colaad ku hurisay ma irto, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u soo cusboonaado colaada Gaalkacyo ay sabab u tahay dib u dhac ku yimid dhaqan gelinta heshiiskii December.

“In Colaada Gaalkacyo dib u soo cusboonaato waxaa sabab u ah dhaqan gelintii heshiiskii December oo dib u dhac ku yimid, dib u dhiciisa ayaa keentay in colaada dib u soo laabato”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha