Animation

Xasaasi Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabeele oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay Arimo Xasaasi ah oo ku saabsan Halka ay ka dhaceyso Doorashada Xildhibaanada

no responses
Sunday October 23, 2016 - 12:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha cusub ee Maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa beeniyay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah salaadiinta gobolka Hiiraan oo sheegay in uusan taageersanayn maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Cosoble oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dhawaan uu ugaaska kula kulmay Beledweyne ayna ka wadahadleen arrimo khaas ah, waxa uuna intaa ku daray in aysan jirin cid diidan maamulkiisa marka laga reebo shakhsiyaad uu ku sheegay maamul diid.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabeele ayaa sheegay in Xubnaha Aqalka sare lagu soo xuli doono Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabelle oo ah Magaalada Jowhar

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in Dhawaan ay soo gudbi doonaan Liiska Xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya islamarkaana Dadka doonaya in ay ka qeyb qaataan u Tartamida Xubnaha Aqalka sare laga doonayo in ay yimaadaan Magaalada Jowhar si loo der der galiyo Soo xulida Aqalka Sare.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah salaadiinta gobolka Hiiraan ayaa sabtigii sheegay in uusan taageersanayn maamulka cusub ee Hirshabeele, waxa uuna qiray in ay wada kulmeen isaga iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi balse ay ka wadahadleen arrimo qabiil oo marna aan siyaasad lug ku lahayn.