Animation

Xasaasi Dhageyso: Jubbaland oo War aan Caadi aheyn ka soo saartay Qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo laabanaya Xeryaha Dalka kenya…

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 6:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo ay jiraan Qaxooti soomaliyeed oo kasoo laabanaya Xeryaha qaxotiga ee Dalka kenya kuwaasi oo waayadii ugu dambeysay kusoo qul qulaayay deegaanada uu ka aramiyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo baxaya in Dadkaasi ay Dhibaato so food saartay.

Maamulka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay qaabilaada dadkaasi kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga wadanka Kenya ee soo gaaraya Deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in nolol xumo ay heysato dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Dalka Kenya.

Darwiish wuxuu sheegay in aysan qaabili Karin qaxooti kale oo   ka yimaada Dalka Kenya, isla markaana weli ay maareen la’yihiin dadka hada ku sugan deegaanada Jubbaland.

Wasiirka ayaa ka codsaday Qaramada midoobay iyo beesha Caalamka in Dadkaasi ay wax u qabtaan Maadama buu yiri Jubbaland aysan ku Filneyn Qaabilaada Dad intaasi kabadan.

” Jubbaland waa Maamul dhisian kaliya 2 sano Mana awoodi dhaqaalo ahaan in dad ka badan 60 kun uu qaabilo waad ogtihiin Jubbaland waxa ay dagaal kula jirtaa Argagaxisada Masaafo 40 Km ayuu Cadowga noogu waregsanyahay Anagaaba hada dagaal u diyaar garoobeyno Balse dad badan oo Qaxooti ah ma qaabili karno” ayuu Yiri Wasiir Darwiish.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka