Animation

Xasaasi: Dhageyso: Howlgalkii xoreynta dagmada xarardheere oo fashil ku dhaw iyo ciidamadii huwanta oo ka baxay deegaanka….

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 12:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imaanaya deegaanka camaara ee gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayan in ciidamadii gaashaan-buurta aheyd ee deegaanka ku sugneyd ay goordhaw ka ruqaansadeen iyagoona qabtay deegaano kale oo gobolka mudug ka tirsan.

Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa u ruqaansaday deegaanka wisil ee gobolka mudug waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamo badan oo gaadiid dagaal wata ay soo galeen deegaanka wisil.

Gudoomiyaha Degaanka Camaara Yuusuf Salaad Muxumed  ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay baneeyeen degaanka Camaara , islamarkaana xaalada degaanka ay hadda tahay mid Caadi ah.

Deegaanka wisil ayey hada ciidamadu ka wadaan dhaq dhaqaaqyo waxaana muuqata in howlgalkii lagu xoreyn lahaa dagmada xarardheere uu hakad ku yimid .

Xoogaga alshabaab ayaa dagaal culus kala hortagay ciidamada huwanta ah ee dagay deegaanka camaara waxaana ay la galeen dagaal labo mar dhacay.

Saraakiisha howlgalkaan hogaamineysa ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah ay ka bixiyaan qorshahooda howlgalkaan iyo in ciidanka ay dib ugu laaban doonan xarumahii ay ka soo duulaan tageen.

Ciidamo mareykan ah oo wata gaadiid dagaal iyo diyaarado ayaa qeyb ka ah howlgalkaan la doonaayo in lagu xoreeyo dagmada xarardheere oo alshabaab ay waqti badan ka talineysay.

Halkaan ka dhageyso codka  gudoomiyaha camaara

Facebook Comments