Animation

Xasaasi Dhageyso: Hey’adda NISA oo Jawaab aan Caadi aheyn u dirtay Cumar C/rashiid oo Maanta Hadalo kulul ay kasoo yeereen

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 7:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maanta Raisul wasaare sharmaarke uusoo saaray Warqad digniin ah oo u diraayo Taliska Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka taasi oo ku aadaneyd in NISA ay faragalin ku heyso Ergooyinka dooraneysa Kuraasta Labada Aqal ee soomaliland ayaa waxaa Hadalkaasi Jawaab kulul ka bixiyay Taliska Hey’adda NISA.

Taliye ku xigeynka Nabad-sugida Soomaaliya Cismaaciil Daahir Cismaan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in NISA ay waxba kama jiraan ku tilmaameyso Eedeyn uga timid Raisul wasaaraaha soomaliya taasi oo ku aadaneyd in NISAa ay faragalin ku heyso Doorashooyinka.

Taliyaha wuxuu beeniyay in Ciidamo Nabad sugida ka tirsan ay Xabsiga dhigeen mid kamid ah Ergada kasoo jeeda Wuqooyiga soomaliya ee Soomaliland wuxuna warkaasi ku tilmaamay mid lagaga been abuuranaayo Hey’adda NISA.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Taliye ku xigeenka NISA